Daroon yar oo 36 saacadood rigaystey garoonka diyaaradaha Gatwick oo ugu dambayn lasoo afjaray + Sawirro

0

(London) 21 Dis 2018 – Garoonka caalamiga ah ee Gatwick ayaa saaka ugu dambayn dib u howlgalay kaddib markii ciidamo millateri ah loosoo diray inay meesha ka saaraan daroon yar oo 36 saacadood argagixinayay garoonkaas, iyadoo haatan baaritaan la bilaabay.

Dayuurad carruur u sidey Lapland ayaa noqotay middii ugu horreeysey ee dhabaha Gatwick ka duusha saaka 6.30, jeer 700 oo duullimaad saaka loo mudeeyay wax noqonaya maalintii sanadka ugu mashquulka badnayd, iyadoo boorsooyinka is gaarey aan la dhamayn doonin tan iyo dhamaadka sanadkan.

Halkan ka DAAWO sawirrada iyo faahfaahin dheeri ah.

Daroonka ayaa markii ugu dambaysay xalay il la saaray fiidkii 10pm, isagoo ilaa Arbacadii 50 jeer soo galay hawada garoonka iyadoo loo badinayo in lasoo ridey, waxayna rakaabka oo caraysani furka ku xooreen booliiska oo maaro u waayay soo ridista daroonkan.

Hadalsame Media