XOG: AC Milan oo qarka u saaran inay 70m ku qaadato SMS

0

(Roma) 21 Dis 2018 – Waloow aanu fasalkani si fiican ugu furmin, misna Sergej Milinkovic-Savic ayaa soo jiidanaya kooxo waawayn oo ay ka mid yihiin kuwa Serie A sida Milan, Juventus iyo Inter oo daneeynaya Serbian-kan khadka dhexe.

Yeelkeede, warar kasoo baxaya dhanka caasimadda Talyaaniga ayaa dadka ka yaabinaya. Sida uu qabo weriyaha caanka ah ee Franco Melli, oo uu waraystay  Radio Radio, maamullada Lazio iyo AC Milan ayaa ku dhowaad soo afjaray heshiis ay Milan ku qaadanayso Milinkovic-Savic.

Heshiiskan ayaa ku kacaya 70m oo euro kaasoo uu isla Jannaayo San Siro ku imanayo. Melli ayaa lagu tilmaamaa nin ay aad iskugu shushubtaan madaxwaynaha Lazio ee Claudio Lotito.

Hadalsame Media