Gud. Yariisoow oo shaal u xirey mashriicna u bandhigay duqa caasimadda Switzerland + Sawirro

0

(Bern) 21 Dis 2018 – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa booqday Xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Bern ee Caasimadda Dalka Switzerland.

Duqa Caasimadda dalka Switzerland Mudane Alec Von Graffenried oo Xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay muhiim tahay xoojinta xiriirka labada caasimadood ee Soomaaliya iyo Switzerland, isagoona warbixin ka siiyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Eng. Yarisow ayaa la wadaagay Maamulka Dowladda Hoose ee Caasumadda dalka Switzerland horumarka ka socda Gobolka Banaadir, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha lagu tayeynayo shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, isagoona u bandhigay dhiggiisa magalaada Bern in ay uga faaiideeyaan Muqdisho khibradda iyo awoodda shaqo ee ay u leeyihiin ilaalinta deegaanka, bilicda, fududeynta isu socodka gaadiidka, dhismaha jidadka iyo dhawrista faya dhawrka.

Hadalsame Media