Dowladda Somalia oo heshiis HALIS noqon kara la gashay Shiinaha!

0

(Beijing) 21 Dis 2018 – Dowladda Somalia ayaa Shiinaha la gashay heshiis halistiisa leh, gaar ahaan marka la eego qaabka uu heshiiskan uga hadlay Bankiga Exim Bank Of China oo ay leedahay dowladda Shiinuhu.

Wuxuu Exim Bank boggiisa Twitter-ka kusoo qoray sidatan: ”Bankiga iyo dowladda Somalia waxay ku heshiiyeen heshiis amaah ah oo $200milyan oo doollar ah oo dib loogu dhisayo dekedda Muqdisho.”

Sheekadu halkaa kuma harin oo wuxuu kusii daray: ”Bankigu wuxuu xuquuq u gaar ah u yeelan doonaa ka kalluumaysiga xeebaha Somalia isagoo qayb ku yeelan doona milkiyadda dekedda inta qaanta si buuxda looga bixinayo.”

Halkan waxaa ku qoran laba arrimood oo aan is qaadanayn, waa mare lacagtu haddii ay amaah tahay maxaa keenaya in misna ay Shiinuhu biyaha Somalia ka kalluumaystaan? Ugu yaraan, haddii la oran lahaa muddo kooban ayay ka kalluumaysanayaan si ay lacagtooda ugu qaataan micne ayay samayn lahayd.

Yeelkeede, haddiiba qaanta dib loo bixinayo, waa maxay kalluumaysigu? Ka warran haddii la bixin waayo qaanta? Tan kale meesha kuma cadda baaxadda dib u dhiska la sheegayo dowladdana lagama maqal ilaa haatan.

Shiinaha ayaa fara ba’an ku haya dalal badan oo Afrikaan ah oo u haliila kaashka uu sida sahalka ah ku qaybinayo balse uu marka dambe kusoo qaroofto dalalka ka qaata, isagoo la wareegey ama la wareegi raba dekedo iyo garoomo ay leeyihiin dalal badan oo Afrikaan ah oo iska bixin waayay qaamihii lagu lahaa. Waxaa dekedaha lala wareegi rabo ka mid ah midda Mombasa ee ugu wayn Kenya.

Warkan ayaa halistiisa leh haddii uu sidan run ku yahay.

Hadalsame Media