DAAWO: Maalgashiga hantida ma guurtada ah ee Somalia oo aad u kobcaysa

0

(Muqdisho) 21 Dis 2018 – Dalka Somalia oo kasoo kabanaya colaado sokeeye oo ragaadiyay muddo 30 sano ka badan ayaa haatan waxaa aad u kobcaya qaybta hantida ma guurtada ah.

Ifafaalayaasha cusub balse aad usoo xoogaysanaya waxaa ka mid ah bankiyada maxalliga ah oo aad u kordhinaya maalgelinta ay ku samaynayaan dhinacyada dhismaha, waxayna lacaguhu gaareen in ka badan 200m oo doollar.

Waxaa dalka ka jira ilaa 6 banki oo gaar loo leeyahay kuwaasoo bilaabay mashaariic guriyayn ah oo ay dad badani ku diirsadeen. Hoos ka daawo barnaamij ay ka diyaarisay Al Jazeera Muqdisho.

Hadalsame Media