Maraykanka oo si cad ugu kala hiilliyay Imaaraatka & Jabuuti

0

(Jabuuti) 20 Dis 2018 – DP World ayaa soo dhowaysay war kasoo yeeray La Taliyaha Trump ee dhanka Amaanka Qaranka, John Bolton, oo iyaga taageeray dhanka muranka ay kula jiraan dowladda Jabuuti.

Bolton ayaa dhaliilay dowladda Jabuuti oo uu sheegay inay arrinta ku wajahdey gacan culus iyo qaab aan sharci ahayn, isagoo kasoo horjeestey qorshihii ay dowladda Jabuuti dib ugula wareegtey dekedda ay konteenarradu ka degaan ee Doraleh Container Terminal, mar uu ka sheekeeynayay qorshe siyaasadeedka Maraykanka ee Geeska Afrika.

Afhayeen u hadlay DP World oo arrintan ku faraxsan ayaa isna yiri: “Waxaannu ka abaal celinaynaa taageerada Madaxwayne Trump iyo maamulka Maraykanka guud ahaan, waxaana sii wadi doonnaa inaannu adeegsannno tillaabo kasta oo lagu xallin karo murankan aan loo baahnayn.”

Hadalsame Media