Kenya oo halis ugu jirta in lagala wareego Dekedda Mombasa! (Sabab?)

0

(Mombasa) 20 Dis 2018 – Kenya ayaa dekedeeda ugu muhiimsan ee Mombasa ku waayi karta gacanta Chinese-ka, haddii ay Iskaashatada Tareennada Kenya ee Kenya Railways Corporation (KRC) bixin waydo qaan dhan Sh227 bilyan oo dhilin oo ay ka qabto Exim Bank of China.

Dowladda ayaa lacagtaasi balaayiinta ah kasoo amaahatay dhismaha jidka tareen ee casriga ah ee Mombasa-Nairobi, iyadoo iska indha tirtay digniin ku aadanayd in Iskaashatada Jidadka iyo Xadiidka Shiinaha ee China Roads and Bridges Corporation (CRBC), oo ah sharikad ay leedahay dowladda Shiinuhu ay noqon doonto maroodi cadde hadhoow la eedo haddii qaanteeda la bixin waayo, haatan waxaa halis ku jirta madax bannaanidii Kenya.

Hanti-dhowrka guud ee qaranka Edward Ouko ayaa sheegay in heshiiska la galay uu dhigayo in Wakaaladda Dekedaha Kenya ay tahay midda laga rabo bixinta qaantaasi.

Sidaa darteed haddii ay KPA bixin waydo qaantaasi waxaa lala wareegayaa hantida ugu wayn ee ay leedahay oo ah dekedda Mombasa.

Arrintan ayaa ah dhibaato hor taalla dalal badan oo Afrikaan oo si xad dhaaf ah u laqlaqay lacagta Shiinaha oo lagu tilmaamay miino waqtiyaysan.

Hadalsame Media