DAAWO: Vladimir Putin oo sheegay inuu guursanayo (Goorta & gabadha?)

0

(Moscow) 20 Dis 2018 – Nolosha gaarka ah ee Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin ayaa had iyo goor qarsoodi ah iyo sir qaran ah, balse iminka ayuu woxoogaa daaha ka yara rogey.

Putin oo ka qayb gelayay kulan su’aalo iyo jawaabo ahaa ayaa sheegay in “nin kasta oo akhyaar ah” ay tahay inuu mar uun guursado.

Weriye Ruush ah oo aan doonayn inuu ku fogaado dhanka siyaasadda ayaa taa biddaalkeeda u bayray dhinac ku dhow qalbiga madaxwaynaha Ruushka isagoo waydiiyay xilliga uu guursanayo.

Goorma iyo qofma ayuu Putin guursanayaa?

“Sida nin kasta oo akhyaar ah, mar unbaan guursan doonaa,” ayuu ku jawaabey Putin oo laakiin ka gaabsaday inuu kashifo caruusaddu qofka ay tahay.

Hadalsame Media