”Waxaannu garab taaganahay Iiraan” – Erdogan oo ka hadlay arrin uu Maraykanku il gaar ah ku eegayo!

0

(Ankara) 20 Dis 2018 – Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani iyo dhiggiisa Turkiga Recep Erdogan, ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay Ankara, halkaa oo ay ka sheegeen sidii looga wada hadli lahaa xirirka diblumaasiyadeed, iskaashiga labada dal iyo arrimaha Bariga dhexe.

“Waannu sii wadanaynaa hiilka walaalaha Iiraan oo ku jira waqti ay wajahayaan cadaadis iyo cunaqabataynno aan cadaalad ahayn,” ayuu yiri Erdoğan.

“Waxaa jira tallaabooyin badan oo ah in Turkiga iyo Iran ay wadajir u qaadan karaan, si ay u soo afjaraan iskudhacyada gobolkeenna oo ay hubiyaan jawi nabdoon,” Erdogan ayaa shir jaraa’id uu kula yeeshay dhiggiisa Iran Hassan Rouhani ee magaalada Ankara, ka sheeggay .

Erdogan ayaa sidoo kale sheeggay in Turkigu uusan oggolaanin cidda dooneysa in ay waxyeeleeyaan amniga dalka iyo gobolka, isaga oo intaa ku daray in aysan dhammaanba u oggolaan doonin mustaqbalka.

“Waxaa jira tallaabooyin badan oo ah in Turkiga iyo Iran ay wadajir u qaadan karaan, si ay u soo afjaraan iskudhacyada gobolkeenna oo ay hubiyaan jawi nabdoon,” Erdogan ayaa shir jaraa’id uu kula yeeshay dhiggiisa Iran Hassan Rouhani ee magaalada Ankara, ka sheeggay.

Erdogan ayaa sidoo kale sheeggay in Turkigu uusan oggolaanin cidda dooneysa in ay waxyeeleeyaan amniga dalka iyo gobolka, isaga oo intaa ku daray in aysan dhammaanba u oggolaan doonin mustaqbalka.

Ankara iyo Tehran waxay leeyihiin rabitaan xoog leh si kor loogu qaado iskaashiga arrimahan, ayuu hadalkiisa kusoo afjaray Mr Erdogan. Maraykanka ayaa il gaar ah ku eegaya kulanka labadan dal oo aysan isku moowqif ka ahayn gebi ahaanba arrimaha gobolka.

Waxaa Diyaariyay: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media