Wararkii ugu dambeeyay ee Magaaladda Baydhabo

0

(Baydhabo) 16 Dis 2018 – Wararka laga helayo Magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in xaaladdu ay saaka aad u degan tahay kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay si xoog ah ku joojiyeen banaanbaxyo rabshado watay oo maalmihii ugu dambeeyay ka socda halkaasi.

Rabshadaha ayaa ka dhashay kadib markii dowladda Soomaaliya xirtay hoggaamiye kuxigeenkii hore ee Al-Shabaab Mukhtaar Roobow haddana u tartamayay xilka Madaxwaynenimo ee maamulka Koonfur Galbeed, Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan warar rasmi ah waxaa maanta la filayaa in qaar ka mid ah Musharixiinta hoggaanka maamulkaasi khudbado kahor jeediyaan wakiillada maamulka Koonfur Galbeed.

Hasse ahaatee waxaa soo baxaya baaqyo kala duwan oo ku saabsan in doorashada dib loo dhigo si loo helo jawi ka haboon kan hadda taagan.

Hadalsame Media