PEARL HARBOR: Weerarkii weji gabaxa u gaystey Maraykanka (Taariikh)

0

(Hadalsame) 15 Dis 2018 – 7 Diseembar sannadkii 1941-kii, ayay Ciidamada Cirka iyo Badda ee Imbaraadooriyadii JAPAN weerar cirka iyo badda ah ku qaadeen xaruntii cidamada badda ee USA ku lahaayeen jasiirrada HAWAI ee badweynta PACIFIC.

Weerarkasi USA khasaare aad u balaadhan ayuu u geystay, waxaanu sababy in ay USA kasoo qayb gasho Dagaalki Labaad ee dunida oo ay markii hore dibadda ka joogtay, Iclaamisana weerar ka dhan ah JAPAN iyo xulufadeeda oo ay ugu horeeyaan GERMANY iyo ITALY.

MAXAA SABABAY WEERARKA?

Intii lagu guda jiray Dagaalka labaad, JAPAN waxay rabtay dhul balaadhsi iyadoo CHINA iyo PHILIPENES kala bar qabsatay isla markaana rabtay inay jasiiradaha badweynta PACIFIC ee ay leeyihiin HOLAND iyo ENGLAND qabsato, sababtoo ah waxay hodan ku ahaayen macdan iyo saliid.

USA ayaa halkas xarumo ciidan oo cirka ah iyo badda ah ku lahayd, kolkaas haddii JAPAN ay isku daydo inay weerarto jasiiradahaasi, USA ayaa markiiba u jawaab celinaysa oo xulufo la ahayd ENGLAND, balse si looga hortago jawaab celintaasi JAPAN waxay go’aansatay in ay weerar gaadmo ah ku qaaddo USA, si ay dhaawac u gaarsiiyan ciidamadaasi, si haddii ay Japan jasiiradahaas weerar ku qaaddo aanay USA uga caabinin.

PEARL HARBOR: ”Waa maalin sumcad xumo u taagnaan doonta!” – Madaxwayne Franklin D. Roosevelt

Sabab kale ayaa ah in USA ay shidaalkii JAPAN ka joojisay, sababto ah waxay JAPAN xulufo la ahayd GERMANY oo ay USA iska soo horjeedeen, waxayna USA hubka iyo shidaalka ku caawin jirtay waddamada kasoo horjeedda JAPAN iyo GERMANY, sidaa daradeed Japan ayaa weerartay USA, si ay uga falceliso fara gelinta ay ku hayso dagaalka.

Midda kale ayaa ah soo dhowanshaha USA ay kusoo dhawaatay JAPAN oo ciidanka Cirka iyo badda ayaa markii hore degganaa SAN DIEGO. balse usoo guuray PEARL HARBOR oo dhacda bartamaha Badda Deggan ama Baasifigga, una soo dhawaday JAPAN.

Sidaa daraaded khatar ayay japan u aragtay soo dhawanshahaasi, natiijoyinka weerarkan ka dhashay ayaa ah in xajmiga Dagaalkii Labaad uu sii siyaaddo, sababto ah isla maalin kaddib weerarkasi 8/12/1941-kii, USA ayaa iclamisay weerar ka dhan ah JAPAN. Isla laba cisho ka dibna 11/12/1941-kii, GERMANY iyo ITALY oo xulufo la ahaa JAPAN ayaa caddeeyay inay dagaal la gali doonaan USA.

Ciidamada JAPAN 3 Bilood ayay tababar, qorsheeyn iyo daraasayn ugu jireen weerarkan, waxaana hoggaamiye ka ahaa ninka lagu magacaabo , Isoroko Yamamoto .

3 Bilood oo tababar ah ka bacdi ayay Ciidamada Japan maalinki 26-kii Nofeembar ee sannadkii 1941-kii ay usoo kicitimeen Badweynta PACIFIC iyo dhankaa PEARL HARBOR, iyadoo ay gujisyada JAPAN kaliya 19 KM usoo jirsadeen marakiibta USA.

Ciidanka JAPAN aad ayuu u xoog weynaa, waxa uu ka koobnaa Lix markab oo waawayn , oo ah nooca diyaaradaha dagaalka xambaara, 28 gujis oo badda hoos jiifa iyo 27 markab oo nooca dagaalka ah.

Shaxda ayaa ahayd in weerarka laba jeer la qaado, iyadoo marka hore diyaaradaha iyo gujisyada kor iyo hoos lagaga garaacayo maraakiibta culculus, weerarka labaadna lagu dhamaystiri doono waxa haray ee maraakiib yar yar ah.

7-dii DISEEMBAR 1941-kii, goor ay saacaddu tahay Aroor hore 7: 48 ayay mawjaddii hore oo diyaarado ah kasoo kicitimeen marakiibta diyaaradaha, kuwaasoo soo dul haadey weerar culusna u gaystay ciidamada iska hurday ee PEARL HARBOR, baabi’iyayna wixii ay ka hor yimaadeen.

USA maalinkaas waxa ka dhintay 2,345 Askari, iyadoo ay ka dhaawacmeen 1,247 oo kale, waxaa sidoo kale ka khasaartay oo ka burburtay 4 Gujis iyo 38 Markab, waxa khasaaraha ugu wayn kasoo gaaray diyaaradaha iyadoo ay ka burbureen 343 Diyaaradood.

Xagga JAPAN masoo gaarin khasaare aad u weyn kaliya waxa ay waydey 73 Askari , 69 Diyaaradood iyo 4 markab iyo hal askari oo laga qabsaday. Waana weerarka qura ee toos loogu qaaday ciidamada Maraykanka iyagoo ku sugan meel ka tirsan dhulkooda, weliba jug intaa le’eg loogu gaystey.

PEARL HARBOR, maanta waa goob loo dalxiis tago oo burburkii marakiibtii ayaa weli yaalla, waxaana sannadkii booqda ku dhawaad hal milyan oo qof.

Waxaa Diyaariyay: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media