FRED OLUOCH:- “Farmaajo wali waa ka wanaagsanyahay Madaxwaynayaashii kaga horeeyay xukunka Soomaaliya laga soo billaabo 1991,” (FAALLO)

0

(Nayroobi) 16 Dis 2018 – Waa uu ka badbaadayaa Mooshinka, laakinse uma fadhiyo si qurux badan iyadoo labo sanno u dhamaan rabto, ayuu yiri Wariye FRED OLUOCH oo ka tirsan Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya.

Marka dhinac la iska dhigo xiriirka aan fiicnayn ee kala dhaxeeya qaar ka mid ah hoggaamiyaasha Maamullada oo iyagu bishii Sabteebar ku dhawaaqay inay joojiyeen wadashaqeyntii kala dhaxeysay dowladda dhexe, ayaa waxaa lagu eedeeyay Farmaajo inuu doonayo inuu soo celiyo dowlad dhexe oo awood leh, taasoo ka soo horjeeda sababihii loo sameeyay dastuurka kumeel gaarka ah oo sheegaya in Soomaaliya ay noqoto Federaal.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya waxay saameyn weyn ku leedahay doorashada maamulka Koonfur Galbeed oo lagu wado inay dhacdo 19 Bishaan, waxaana ay ka soo horjeedaa Mukhtaar Roobow oo soo noqday hoggaamiye kuxigeenkii hore ee Al-Shabaab. Roobow waxaa la xiray qamiistii lasoo dhaafay.

Eedaha la xiriira Mooshinka ayaa kala qaybiyay dalka waxaana taageerayaasha Farmaajo dhigeen banaanbaxyo ka dhacay Muqdisho, halka banaanbaxyo kale oo looga soo horjeedo xariga Roobow ay ka dhaceen Magaalada Baydhabo kuwaas oo galaaftay nolosha 11 ruux sida la sheegay.

Illaa hadda, 78 xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saxiixay Mooshinka, laakin waxaa loo baahnaa 92 xubnood si uu sharci u noqdo. Xogheynta Baarlamaanka Abdikariin Buux ayaa sheegay in 14 mudane laga been sheegay oo aysan Mooshinka qayb ka ahayn.

Shuruuc aan kala cadeyn

Madaxwayne Farmaajo ayaa sidoo kale ka faa’iideysan kara maqnaanshaha Shuruucda la xiriirta eedaha ka dhanka Madaxwaynaha ee dastuurka, mana jirto Maxkamad Dastuuri ah.

Qolooyinka soo abaabulay Mooshinka ayaa ku doodaya in Madaxwaynuhu galay heshiisyo qarsoodi ah kuwaas oo uu la galay dowladdaha Itoobiya iyo Ereteriya iyo in muwaadin Soomaaliyeed (Qalbidhagax) si sharci darro ah loogu dhiibay Itoobiya.

Cabdullaahi Cabdi Maxamed oo ah guddoomiyaha hay’adda Aragti Wadaag ayaa sheegay in qaar kamid ah hoggaamiyaasha Maamullada iyo xulufada Mucaaradka ay ka dambeeyeen Mooshinkaan, laakin aysan ku guulaysan doonin maxaayeelay ma haystaan Saxiixayaal ku fillan.

Mooshin kan la mid ah ayaa hore looga keenay Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud waana uu socon waayay sababo la xiriira sharciyaddii loobaahnaa oo aan la haynin marka laga hadlayo Eed ama dacwad ka dhan ah Madaxwaynaha.

Qolooyinka wada mooshinka ayaa hadda dhex muquuranaya dhibaato culus waxayna u baahan doonaan in si Madaxwaynaha ay u ridaan ay helaan 219 cod, taasina maahan wax sahlan.

Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa la aaminsanyahay inuu taageersanyahay Mooshinka waxaana sababta lagu sheegay inuu ka xun yahay faragalinta dowladda dhexe ku hayso doorashada Koonfur Galbeed oo isagu uu ku abtirsado.

Wali, Farmaajo waa Madaxwaynaha ugu shaqo wanaagsan marka la barbar dhigo madaxdii isaga xukunka kaga horeysay laga soo billaabo sanadkii 1991.

Wuxuu billaabay dagaal ka dhan ah Musuqmaasuqa isagoona la xisaabtama Wasiiradiisa. Waxaa uu joogto ka dhigay Mushaarka shaqaalaha dowladda, isagoona sumcad wanaagsan ay u hayaan deeqbixiyaasha caalamka.

Si kastaba, waxaa wali uusan ku guulaysan in dhul cusub uu ka saaro ururka Al-Shabaab inkastoo la dajiyay qorshaha amniga qaranka.

Caqabadaha siyaasadeed ee uu hadda wajahayo Madaxwayne Farmaajo waa kuwa ay hore u soo wajaheen madaxwaynayaashii isaga ka horeeyay tan iyo sanadkii 2000, taasina waxaa keenaya sida wax wayn looga filayo dowladdaha dhalanaya.

W/Q: Weriye FRED OLUOCH oo ka tirsan Daily Nation