Issias Efowerki oo booqasho taariikhi ah ku imanaya Muqdisho + Sawirro

0

(Muqdisho) 13 Dis 2018 – Saacadaha soo socda ayaa waxaa lafilaa in magalaada Muqdisho uu soo gaaro wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dalka Eritrea Issias Efowerki iyo Masuuliyiin kale ee lasocda.

Garoonka Diyaaraha ee Aadan Cadde ayaa waxaa ku sugan qeybaha kala duwan ee Balshadda iyo Siyaasiyiin kuwaas oo qeyb ah soo dhaweynta Madaxweynaha Eritrea kaas markiisii ugu horeysay Soomaaliya imaanaya, sida lagu qoray warfaafinta dowladda.

Amaanka magaalada ayaa si wayn loo adkeeyey iyadoo qaybaha kala duwan ee Ciidanka Amaanka lagu arkayo wadooyinka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar sii horeysay waxaa uu Safar ku tagay dalka Eritrea halkaas oo si wayn loogu soo dhaweeyey.

Hadalsame Media