Madaxwaynaha Eritrea oo muddo kaddib Muqdisho kusoo laabtay + Sawirro

0

(Muqdiso) 13 Dis 2018 – Madaxweynaha Dalka Eretrea, Issias Efowerki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow kasoo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo uu kusoo dhoweeyeeyay dhiggiisa Soomaaliya oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Madaxweyne, Efowerki, iyo wafdigiisa oo hadda salaam sharaf ka qaadanaya Cutubyo ka mid ah Ciidamada Booliska Soomaaliyeed qaybta Baambayda, ayaa lagu wadaa in loo soo gudbiyo Xarunta Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxda ugu sarreysa Dalka.

Waa booqasho Taariikhi ah, taasoa ah middii ugu horreysay ee Madaxweyne ka socda Dalka Eretrea uu ku yimmaaddo Dalka Soomaaliya, waxanay tallaabbadani qayb ka tahay dedaallada is-dhex galka siyaasadeed iyo tan Bulsho ee waddamada Geeska Afrika.

Madaxweynaha Eritrea ayay Muqdisho uga bilaabmaysaa booqasho labo maalinle ah, waxaa uu magaalada Muqdisho ku noolaa 30 sanadood kahor, xilligaasoo isaga iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi ay hoggaaminayeen Jabhadii ka soo horjeeday Mingiste Hailemariam.

Hadalsame Media