Somalia oo kaddib Itoobiya cashar culus u dhigtay dalka Jabuuti + Sawirro

0

Xulka qaranka 20-jirrada Soomaaliya ayaa guul kasoo hooyey dhiggiisa Jabuuti oo ay kulan iskululays ah kula ciyaareen garoonka Guuleed Haji Stadium ee magaalada Jabuuti, kaasoo ay ku badiyeen 4-1.

Ciyaartan oo ay kasoo qayb galeen taageerayaal fara badan oo labada dhinac ah ayay wiilasha Ocean Stars 1-0 ku nasiyeen Jabuuti, waxaana goolka u dhaliyay Feysal  Axmed Xasan.

Yeelkeede, gelinkii dambe ayay xulka Qaranka Soomaaliya oo aad weli u caabboona waxaa gool labaad u dhaliyay isla Faysal, kahor intaanu kii 3-aad raacinin Ismaaciil, balse xilli ay ciyaartu 3-0 tahay ayay Jabuuti hal gool iska soo jareen. Ha yeeshee isla Faysal ayaa markale shabaqa soo taabtay sidaana seddexleey ku dhamaystiray.

Xulkan Somalia ayaa horraantii bishan isla garoonkaas ku garaacay xulka Itoobiya, kulan laba lugood ahaa oo ka tirsanaa isreebreebka Olombikada Adduunka.

Hadalsame Media