XOG: Ka bogo dalka ka dambeeya mooshinka laga keenay Madaxwaynaha & lacagta uu bixiyay (Qorshaha la degey)

0

(Istanbul) 11 Dis 2018 – Warar hoose oo soo gaarey warsidaha Hadalsame ayaa tibaaxaya Guddoonka Baarlamanka Somalia Md Mursal uu 8 milyan oo doollar ka guddoomey dowladda Imaaraatka si loogu fududeeyo mooshin lagu ridayo Madaxwaynaha dalka Md Farmaajo.

Il wareedkani waxay intaa raacinaysaa in uu kulan dhexsaday diblomaasi Imaaraati ah iyo Afhayeenka Baarlamanka Md Mursal kaasoo ku qabsoomay Istanbul oo uu dhowaan booqday, waloow ay jiraan warar kale oo sheegaya kulan kale oo Qubrus ka dhacay.

Waxaa deeto la sheegay in xildhibaanno xisaab ka qaata Imaaraatka oo uu hoggaaminayay Md Jawaari ay mooshinka qabyo-qoreen.

Lacagta ayaa la sheegayaa in la dhigay Banki ku yaalla Istanbul, waxaa intaa dheer, in nin lagu sheegay la taliye Mursal oo magaciisa lagu koobay Jaamac loo diray magaalada Baydhabo si uu u taageero doorashada Mukhtaar Rooboow.

Ujeedku Imaaraatku waa in xasarad iyo qalalaase la geliyo Somalia, taasoo sida la yiri ay dalal kale u igmadeen isaga oo ay dib ka riixayaan.

Waxaa intaa soo raacda, in Danjiraha Sucuudigu uu kulan khaas ahaa la qaatay Md Mursal kaasoo aan la ogayn wixii lagu soo qaaday.

Labadan dal ayaa la rumaysan yahay in ay kasoo horjeedaan iskaashiga Geeska Afrika, iyagoo sidoo kale Somalia kula dirirsan diidmada yeeriskoodii ahaa in Qadar la go’doomiyo.

 Hadalsame Media