SALAAD CALI JEELLE:- “AL-Shabaab ayaa soo abaabushay Mooshinka looga soo horjeedo Madaxwayne Farmaajo,”

0

(Muqdisho) 11 Dis 2018 – Siyaasiga Salaad Cali jeelle ayaa sheegay in Mooshinka ay keeneen qaar ka mid ah xildhibaanada Baaarlamaanka ee ka dhanka ah Madaxwaynaha Soomaaliya ay soo abaabuleen qarashna ku bixinayeen sida uu yiri ururo Argagixiso ah oo uu ula jeeday ururka Al-Shabaab..

Siyaasiga oo Wareysi siiyay Idaacadda Dalsan ayaa waxa uu sheegay in mooshinka Madaxweynaha Xildhibaanada ka keeneen in uu yahay mid lagu curyaaminayo Hay’adaha Amniga iyo howgalada looga soo horjeedo Al-Shabaab.

Mr. Jeelle ayaa hore u sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya ay ka mid yihiin xunbo daacad u ah ururka Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu khilaaf ka dhex kiciyay guddoonka Golaha Shacbaka waxaana taasi ay si weyn u cuuryaamin doonyaa habsami u socodkii howlhii Baarlamaanka.

Hadalsame Media