Aamusnaantu Waa Xanaaqa Siyaasiga Maanta! (FAALLO XIISO LEH)

0

(Muqdisho) 11 Dis 2018 – Kadib doorashadii Madaxwanaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 8-dii Febraayo ee sanadkii 2017, waxaaa joogta noqday buuqa qaar ka mid ah musharixiintii la tartamay isaga. Waxaa ka mid ah musharixiintaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo noqday mucaaradka ugu wayn ee Farmaajo.

Waxaa sidoo kale ka mid ah ragga ugu tunka wayn xildhibaanada Mucaaradka ku ah Farmaajo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo la aamisan yahay in Farmaajo ay iska arkeen biyaha hoostooda maadama uusan ka helin balamo siyaasadeed oo lala galay xiligii Doorashasda.

Mucaaradka waxaa si daahsoon mararka qaar koodna muuqata ugu jira Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya ee xilka looga guulaystay Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo saaxiibadiisa siyaaseed oo loo yaqaano DAMUJADIID.

Laakin waxaa cajiib ah ee cusub ayaa ah falcelinta madaxda sare ee dowladda marka uu kaco heer kulka buuqa Siyaasiinta mucaaradsan dowladda dhexe oo ay ka mid yihiin qaar ka mid ah hoggaamiyaasha Maamullada.

Sadexdii maalmood ee la soo dhaafay waxaa Magaaladda Muqdisho wali ka taagan buuq cusub oo siyaaseed kaasoo ka dhashay Mooshin xil ka ridis ah oo ay soo abaabuleen Mucaaradku waxayna si toos ah markaan u abaareen Madaxwayne Farmaajo oo ay ku eedeeyeen Xad gudub iyo adeegsi awood la mid ah sida ay sheegeen tii Siyaad Barre.

Buuqa cusub ayaa ka dhashay kala diristii guddigii Maaliyadda iyo ciidamo boolis ah oo dowladda dhexe u dirtay Baydhabo, waxaana arrimahaasi oo dhan si muuqata u diiday guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan. Mursal ayaa hadda wajahaya xaalad la mid ah tii guddoomiyihii isaga ka horeeyay Mudane Jawaari.

Hase yeeshee dadka Siyaasadda dhuuxa una dhuun daloola ayaa aaminsan in Baroortu orgiga ka wayn tahay islamarkaana Mucaaradku hadba meel uga soo boodayaan dowladda uu hoggaamiyo Madaxwayne Farmaajo.

Banaanbaxyo waaweyn oo lagu diidan yahay Mooshinka ayaa ka dhacay Muqdisho iyo deegaano kale oo ka tirsan dalka, waxaana taas bedelkeeda xoogaga Mucaaradka ahi markaan adeegsadeen haddalo dab ku sii shiday hadafkooda Siyaasadeed iyo hankooda mustaqbalka hoggaaminta dalka.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xildhibaan Fiqi ayaa shalay iyagoo la hadlayay taageerayaasha xisbiga Wadajir waxay si qaawan u weerareen Madaxwaynaha dowladda Federaalka ah iyo waliba kumanaankii shacabka ahaa ee isku soo baxay waxayna ku tilmaameen Qaxooti iyo Barakacayaal.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Gool Siyaasadeed ay gadaal gadaal isaga dhaliyaan xoogaga Mucaaradka ah. Goor hore waxaa laga hayaa in hoggaamyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu ku tilmaamay Madaxwaynaha Soomaaliya mid marti ku ah Xamar, Tiiyoo Mr. Fiqi uu isna ka sheegay Magaaladda Cadaado in Farmaajo Adeerkiis (Siyaad Barre) oo Taangiyo watay ay xoog uga saareen Xamar 1991!!

Hadaladaas oo dhan ma noqon mid xoogaga mucaaradka gaarsiisa yoolkooda hase ahaatee waxaaba hoos u dhacay maqaamkoodii shaqsiyadeed, bulshada ayaana iswaydiinaysa maxaa Mucaaradku u doorteen luuqda xun.

Aamusnaanta Madaxda sare

Mar walba oo xoogaga Mucaaradka ah ay dabka shidaan oo ay isku dayaan inay buuq billaabaan ayaa madaxda sare ee dowladda Soomaaliya sida Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaa looga bartay inay dhegaha ka fureysataan maalmaha buuqa mucaaradku socdo.

Aamusnaantaasi ayaa shacabka Muqdisho ku sifeeyeen xeelad cusub iyo hub casri ah oo ay madaxda dowladdu Goolal badan kaga dhaliyeen kooxaha ka soo horjeeda siyaasadooda.

Ku dhawaad labo sanno oo dowladda Farmaajo hoggaaminayo ay jirto, waxaa kaliya la ogyahay in Madaxwayne Farmaajo labo jeer goobo fagaaro ah ka weeraray mucaaradka ka soo horjeeda, Mar waxa uu ku tilmaamay Siyaasiin Xanaaqsan, Marna waxa uu ku tilmaamay in inta Xanaaqii ka batay ay Waali ku dhawyihiin!!

Labada hadalka waxaa ay noqdeen dharbaaxo kulul oo uga sii dartay xoogaga Mucaaradka waxayna iyagoo ka falcelinayay hadalada Madaxwaynaha ku sii dheceen haadaano kale iyagoo markaan shacabkii Soomaaliyeed ku tilmaamay Barakacayaal iyo Qaxooti.

Soomaalidu waxay tiraahdaa nin hadlay waxaa dilay nin aamusay, waana tan maanta haysata xoogaga Mucaaradka.

Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ayaan illaa hadda ka hadlin buuqa ay fureen xoogaga mucaaadka ah iyo Mooshinka aan cagaha badan ku taagnayn oo la aamisan yahay in sidoo kale xoogag shisheeye ku lug leeyihiin.

Waxaase la saadaalinayaa in Madaxda sare marka ay hadlaan ee ugu horeysa adeegsan doonaan hadallo ay kaga faa’iideysanayaan qaladaadka ay mar kale galeen xoogaga ka soo horjeeda Siyaasadda.

Xeeladda cusub ee Madaxwaynha iyo RW Kheyre ayay dadka Muqdisho ku micneeyeen, Arrag oo Sug. Taa micnaheedu waa inay qayla dhaanta ka guraan mucaaradka kadibna soo Tuuraan BOM weyn oo ay ku sii qarxinayaan qaladaadkii ka dhacay qolyaha Mucaaradka.

Yeelkeede waxaa hubbaal ah in xifaaltanka Siyaasadeed uusan dan u ahayn ummada Soomaaliyeed loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo midnimo iyo wadajir Soomaalinimo, iyadoona laga fogaanayo hadallada sii kala fogeynayo Jiilka cusub ee Soomaalida.

W/Q: Mohamed Odowa

Hadalsame Media