IMF oo sheegtay in hannaanka Maaliyadda Soomaaliya uu ku socdo waddo wanaagsan

0

(Muqdisho) 11 Dis 2018 – Warbixin ay soo saartay Hey’adda Lacagta Adduunka oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee hey’adda IMF, ayay ku sheegtay Soomaaliya iyo hey’adda ay gaaareen hashiis looga gudbayo dib u eegistii koowaad ee wajiga sadaxaad ee kooxda la socodka barnaamijka Soomaaliya.

Warbixintaan oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee hey’adda lacagta aduunka(IMF) ayaa lagu yiri

Masuuliyiinta Soomaaliya iyo Hey’adda lacagta aduunka ee wada hadlay waxa ay gaareen hashiis lagu dhameestirayo dib u eegistii koowaad ee wajiga sadaxaad ee kooxda la socodka Barnaamijka Soomaaliya (SMP3)

Masuuliyiintu  waxa sii wadeen qorshahooda hirgalinta cabirka dib u eegsita kaasoo taageeraya waajib gudasho lagu qanci karo, iyada oo loo marayo wajiga sadaxaad ee barnaamijka deen cafinta Soomaaliya ( SMp3)

Hey’adda lacagta aduunka waxaa ay raja weyn oo ku aadan dhameystirka wajiga sadaxaad ee barnaamijka Kooxda la socodka Soomaaliya (SMP3), iyo in Soomaaliya u dhaqaaqdo barta go’aan qaadashada deemaha markaasoo la eegayo hal abuurka waddamada faqriga ah ee deemaha galay ( HIPC Initiative)

Kooxda hey’adda Lacagta Aduunka (IMF) oo uu hogaaminayay Maxamed Alxaaji ayaa magaaladda Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay masuuliyiinta Soomaaliya 1dii ilaa 6dii  bishaan December waxay isla garteen ka gudbida wajiga koowaad ee Barnaamijka 12 bilood ee la socodka Soomaaliya oo soo biloowday May 2018 kuna eg bisha April 2019

Dhammaadka booqasha Kadib waxa uu madaxii wafdiga Alxaaji uu yiri

“Doodii mira dhalka aheed ee wada yeesheen kooxda IMF iyo masuuliyiinta Soomaaliya waxa ay ku heshiiyiin dhameestirka dib u eegsiiti koowaad ee wajiga sadaxaad ee barnaamijka deen cafinta, hashiiska waa inuu saxiixa agaasimaha maamulka IMF oo aan ka rajaynayno inuu tixgaliyo warbixinta kooxda ee dib u eegista koowaad ee barnaamijka la socdka Soomaaliya heerkiisa sadaxaad horaanta 2019

 Dhaqaalaha Soomaaliya

“ Dhaqaalaha waa uu soo kabanayaa sanadkaan 2018 abaaro waddanka halakeeyay sanadihii 2016/2017 kadib roobka oo sidii la rabay u da’ay waxa ay xoojisay soo kabashada dhaqaalaha si gaar ah Beeraha iyo Xoolaha, tani waxa ay suurata galisay maciishadii cuntada oo aad u kacsaneed inay hoos u soo dhacdo, howlaha la xiriira dhismaha, ganacsiga , isgaarsiinta iyo qeybaha adeegyada oo kordhay waxaana la rajaynayaa inay joogta ahaadaan.

Natiijada dakhliga gudaha ka yimaada iyo sicirka

Dakhliga gudaha dalka Soomaaliya waa uu kordhay 3.1 marka loo eego sanadkii hore oo uu ahaa 2.3, sicirka ayaa hoos u dhacay 3.5 2018 halka sanadkii 2017 uu ahaa  5.5.

Si guud marka loo eego daqliga gudaha sanadkaan 2018 ilaa bishii September aad ayuu daqliga u kordhay marka loo eego lacagta soo xarootay waxaana ku jirtay 8 milyan oo doolar oo dheeri ka ah daqligii la filayay  September, ilaa bishii june daqliga waxaa ku korortay 2.3 milyan oo doolar waxaana muujinaysa si xooggan ee uruurinta daqliga gudaha.

Masuuliyiinta Soomaaliya

“Masuuliyiinta Soomaaliya waxaa ka go’an gaarida  qorshaha fog ee soo kabashada qaranka iyo ujeedooyinka hormarka, waxa ay kor u qaadeen dadaalooda diyaarinta qorshaha sagaal ee hormarinta Qaranka (NDP9) kaasoo lagu dhisayo qorshihii sideedaad (NDP8)  oo loogu talagalay 2017 ilaa 2019, masuuliyiinta ayaa ugu talagalay in looga shaqeeyo aas aaska  qoraalka ku meelgaarka ah ee qorshaha yareenta faqriga (I-PRSP)  qoraalkani waa mid sheegaya hiigsiga hormarinta Soomaaliya, caqabadaha iyo shuruudaha maal galinta. Tani waxa ay bixinaysaa nuxurka maal galinta loo baahan yahay iyo taageerada deeq bixiyayaasha sidoo kale daneeyayaasha inay ka qeyb galaan heerarka oo dhan.

Inkastoo xaalad adag jirto hadane hannaanka uu ku socdo SMP waa mid xooggan, kooxda IMF waxaa soo dhaweynayaan sida ay uga go’an tahay masuuliyiinta Soomaaliya hormarinta hannaanka canshuur qaadista 2018 iyo in la sii balaariyo canshuuraha 2019 iyada oo la hubinayo habka loo bixinayo lacagaha.

Kooxda waxaa soo jeediyeen wadiiqooyin lagu xoojinayo maamulka maaliyada dalka waxaana ka mid ah  hubinta lacagaha la bixinayo iyo in la yareeyo lacagaha gacanta lagu bixiyo cash-ka ah, iyadoo loo marayo hormarinta daqli bixinta, joogteynta dadaalada gaarida in daqliga dhan lagu shubo hal qasnad ama account iyo sii wadida hormarka laga sameynayo nidaamka maaliyada ee federaalka ku  dhisan.

Masuuliyiinta waxay hormar ka sameeyeen hirgalinta talaabooyinka taageeraya sameynta lacagta cusub, kooxda IMF waxay taageerayaan dadaalada masuuliyiinta Soomaaliyeed  ee sii wadida in la hubiyo in deeq bixiyayaasha ay maal galiyaan mashruuc dib u habeynta lacagta waddanka.

Kooxdu waxa ay muujiyeen si ay muhiim u tahay xowliga hirgalinta dib u eegista hey’adaha dhaqaalaha, oo ku xeran ahmiyad siinta qaabeynta bangiga dhexe, iyo maamulada lacagaha mobile ka la isaga diro, dhinaca kale in la sii wado hormarinta bangiyada ganacsiga iyo kuwa bangiyada rasmiga aan aheyn, waxaa jirta baahi la xiriirta xoojinta awooda qeybta ruqsad bixinta iyo la socoshada.

Waxa ay dhiira galiyeen sida madaxda Soomaaliyeed ay u joogteeyeen doorkooda dib u eegista, marka lagu guura 12 bil ee ugu horeysay ee Barnaajika kooxda la socodka soomaaliya tan 2016 ilaa 2018 sidaa si la mid ah sida ay uga soo baxeen wajiga sadaxaad ee barnaamijka kooxda la socodka Soomaaliya, xooga iyo awooda qorshaha ka go’naanta leh ee Dowladda federaalka Soomaaliya waa mid xoogeysanaya. Waxaana raja fiican ka qabnaa inay ka soo baxdo shuruuda wajiga sadaxaad ee deen cafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri warbixinta.

Hey’adda lacagta aduunka waxa ay sheegtay inay diyaar u tahay sii wadidad taageeraha ay la garab taagan tahay qorshaha dib u habeynta maaliyadda iyo hormarinta iyada oo siinaysa caawin farsamo iyo tababaro la xiriira 1 diyaarinta miisaaniyada iyo maamulidiisa, 2 maamulka maaliyada dalka oo ay ku jirto lacagta, bixinteeda iyo maamulka deenta 3 qorshaha caanshuuraha iyo maamulkooda 4 Akoonada Qaranka iyo tirakoobka dhaqaalaha.

Inta lagu jiray kooxda booqashooda waxaa ay la kulmeen Wasiirka maaliyadda Dr Beyle iyo Gudoomiyaha Bangiga Dhexe iyo masuuliyiin waxaa kale oo kooxda la kulmeen deeq bixiyayaasha si gaar gaar ah iyo si guud iyaga oo war bixin ka siiyay halka uu marayo Barnaamijka deen cafinta.

SONNA

Hadalsame Media