SAWIRRO: Maxay iska shabahaan Kacdoonkii shacabka Istanbul 2 sanno kahor iyo Kii shalay ka dhacay Muqdisho?

0
????????????????????????????????????

(Muqdisho) 11 Dis 2018 – Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa shalay ka dhacay banaanbaxyo balaaran oo looga soo horjeeday Mooshin la sheegay in laga keenay Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mooshinka oo hadda la sheegayo inuu jabay ama u burburay sababo la xiriira Xildhibaano magacyadooda lagu been abuurtay ayaa muddo saacaddo ah qabsaday dalka isagoo walaac ku abuuray shacabka guud ahaan.

Banaanbaxyo ayaa ka dhacay qaybo ka mida Somaaliya  kuwaas oo looga soo horjeeday Mooshinka oo warar kala duwan sheegayaan in dalal shisheeye ay abaabulkiisa leeyihiin.

Mudaharaadka ugu balaaran waxa uu dhacay Magaaladda Muqdisho iyadoona dadwayne careysan isku dayeen inay jabsadaan gurriga uu guddoomiyaha Baarlamaanku ka degan yahay Villa-Hargeysa.

Waxaa sidoo kale la arkay dad u badan dhalinyaro careysan oo baadi goobayay Xildhibaanada la sheegay inay abaabuleen Mooshinka. Shacabka ayaa muujiyay rabitaankooda iyagoona sheegay in Farmaajo uusan mudneyn xiligaan laga keeno Mooshin sidaas darteedna ay difaacayaan Madaxwaynaha xitaa haddii ay naftooda ku waayayaan sida ay sheegeen qaar ka mid ah banaanbaxayaashii. Dadka qaar ayaa ku micneeyay Mooshinka Afganbi la mid ahaa kii dhicisoobay ee labo sanno kahor ka dhacay dalka Turkiga.

Xiligaas ayaa la arkayay boqolaal ka mid ahaa dadka shacabka ah ee Istanbul ee Turkiga oo banaanka inta u soo baxay Taanyadda isku dhigayay waxaana sidoo kale jirtay in Madaxwaynaha dalkaasi Erdogon oo ay shacabku difaacayeen la isku dayay in la qaarajiyo.

Sawirrada banaanbaxyadii shalay ka dhacay Muqdisho:

Sawirrada Banaanbaxyadii 2 sanno kahor ka dhacay Istanbul

epa05427127 People occupy a tank in Istanbul, Turkey, 16 July 2016. Turkish Prime Minister Yildirim reportedly said that the Turkish military was involved in an attempted coup d’etat. The Turkish military meanwhile stated it had taken over control. EPA/TOLGA BOZOGLU

ANKARA, TURKEY – JULY 16 : People react against uprising attempt from within the army in Ankara, Turkey on July 16, 2016. (Photo by Sinan Yiter/Anadolu Agency/Getty Images)

Hadalsame Media