”Ma jiro midow dhex maraya Ethiopia, Somali & Eritrea ee Awr-kacsiga Tigreegu ha quusto!” – Jawar Mohamed

0

(Addis Abeba) 11 Dis 2018 – Jawar Mohammed oo ah weriye gayfane ah oo gacan ka gaystay mudaaharaadyadii 2016-kii ee markii dambe lagu ridey nidaamkii uu Tigreegu horseedka ka ahaa ee Itoobiya muddada xukumayay ayaa wax ka yiri khilaafkii yaraa ee ka dhacay Baarlamanka dhexe ee Somalia.

Ninkan oo xubin firfircoon ka ah Ururka Dhallinyarada ee Xorriyadda iyo Dimoqraadiyadda oo inta badan metela qoowmiyadda Oromada loona yaqaanno Qeeroo ayaa Twitter-kiisa kusoo qoray sidatan:

”Mudaaharaadkan micne la’aanta ah waxaa maalgeliyay Weyane (naanays loo yaqaan Tigreega). Ethiopia,Somali & Eritrea marna iskuma raacin inay u midoobaan dal ahaan, balse waxay isku raaceen inay samaystaan iskaashi intii hore ka dhow oo dhaqaale iyo amaan. Oohinta orgiga ka wayn ee dabada ka riixaysa arrintan waa inay ogaataa in Weyane aanu dib usoo laabanaynin si ay gacan uga gaystaan qaska Somalia hadda kaddib.”


Hadalsame Media