CALI SEEKO:- “Dowladdo shisheeye iyo kooxo danno gaar ah leh ayaa ka dambeeyay Mooshinka fashilmay,”

0

(Muqdisho) 11 Dis 2018 – Siyaasiga caanka ah Cali Maxamuud Faarax ( Cali Seeko ) ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan Mooshin la sheegay in laga gudbiyay Madaxweynaha SoomaaliyaMaxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Siyaasigan oo u waramayay Idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa sheegay in Xildhibaanada waday Mooshinka ay ka leeyihiin dano gaar ah, kadib markii ay waayeen, sida uu sheegay xilal wasiiro ah.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in mooshinkan ay gadaal ka riixayaan dowlado shisheeye oo uusan shaacin magacyadooda.

Mooshinka la sheegay in laga gudbiyay Madaxwayne Farmaajo oo dhaliyay carro badan oo bulshada ka timid ayaa hadda warar soo baxaya sheegayaan in uu burburay kadib markii ay soo shaac baxday in qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya magacyadooda laga been sheegay.

Hadalsame Media