Ganacsade isagoo hoygiisa ka soo baxaya la toogtay kadibna gaarigiisii laga qaatay! Dil fool xun oo ka dhacay Muqdisho

0

(Muqdisho) 09 Dis 2018 – Wararka laga helayo nawaaxiga Ex-control Afgooye ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhow oo saaka ah lagu dilay halkaasi ganacsade caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdi Cismaan Afrax oo loo yaqaanay (Cabdi Biifane)

Kooxaha dilka gaystay ayaa marxuumka ugu tagay gurrigiisa xili uu isku diyaarinayay inuu baxo waxaana ay ku fureen rasaas badan taasoo sidoo kale sababtay inay ku dhaawacanto gabar uu dhalay.

Gaariga ayaa ahaa nuuca loo yaqaano Prado waxaana wararka horu dhac ah ay sheegayaan in ganacsatadaha la dilay uu soo dejin jiray gaadiidka ganacsiga. Lama oga sababta ka dambeysa dilkaan iyo kooxda ku lugta leh, hase ahaatee waxaa uu qayb ka yahay beegsiga lagu hayo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Hadalsame Media