DAAWO: ”Waxaan u imid taariikh” – Lucas Paquetá oo kasoo degey Milano

0

(Milano) 09 Dis 2018 – Lucas Paquetá, oo ah laacibka koowaad ee Jannaayo kusoo biiraya kooxda Rossoneri ayaa kasoo degey gegada Malpensa isagoo kasoo duulay Rio de Janeiro, soona maray Lisbon saaka, wuxuuna durba muujiyay qanacsanaan.

Lucas Paquetá, oo AC Milan ugu fadhiya €45m isla markaana caawa daawan doona kulanka Torino ayaa yiri: “Waan ku faraxsan ahay inaan halkan imaaddo. Waxaan u imid taariikhda.”

Laacibkan 21-jirka ah oo lambarro badan ka dheeli kara ayaa Rossoneri ugasoo biiraya Flamengo oo jeebka ku shubanaysa €35m oo lagu daray €10m oo ah bareemiyo bandhiggiisa ku xiran.

Paquetá, ayaa berri caafimaadka u maraya kooxdiisa isagoo kulankiisa koowaad kasoo muuqan kara ciyaarta Italian Super Cup oo ay Milan Jannaayo ay Jidda kula ciyaarayso Juventus.

Hadalsame Media