Faahfaahin ku saabsan howlgal millatari oo laga sameeyay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe

0

(Basra) 09 Dis 2018 – Ciidamada gaarka ee dowladda Federaalka Soomaaliya (DANAB) ayaa howlgal habeen dheelmad ah ka fuliyay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Ilo xog-xogaal ah ayaa u sheegay Hadalsame in howlgalkaan oo xalay saqdii dhexe dhacay lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

Warar horu dhac ah ayaa sheegaya in la dilay xubno ka tirsanaa kuwii la beegsaday halka qaar kalena nolosha lagu qabtay. Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinac ururka Al-Shabaaab.

Warar kale oo ay baahiyeen qaar ka mid ah Idacaddaha Magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in howlgalkii xalay lagu dilay sarkaal lagu magacaabo Macalin Daahir oo Shabaabka ku qaabilsanaa deegaanka Basra.

Howlgalkaan waxaa qayb ka ahaan ciidamo Ajaanib sida wararku sheegayaan.

Hadalsame Media