Ganacsade caan ah oo lagu dilay Magaaladda Boosaaso (Faahfaahin)

0

(Boosaaso) 09 Dis 2018 – Rag ku hubeysanaa Bastoolado ayaa rasaas ku furay ganacsade lagu magacaabo Shaafici oo ka mid ahaa ganacsatada dhalinyarada ah ee ugu caansan Magaalo xeebeedka Boosaaso ee Maamulka Puntland, Soomaaliya.

Toogashada ayaa xalay fiidkii hore ka dhacday bartamaha Magaaladda, waxaana dad goojoogayaal ah ay sheegeen in ugu yaraan labo ruux oo bastoolado watay ay dilka fuliyeen.

Kooxda weerarka gaysatay ayaa durba goobta ka baxsatay iyadoona ciidamada Booliska aysan ku guuleysan inay soo qabteen gacan ku dhiigalayaasha.

Ma ahan dilkii ugu horeeyay ee loo gaysto ganacsato hase ahaatee waxaa Magaaladda Boosaaso ku soo badanaya beegsiga lagu hayo ganacsatada Magaaladdaasi.

Dilalka ayaa loo badinayaa inay ka dambeyso kooxda Daacish oo doonaysa inay lacago ka qaato Ganacsatada.

Hadalsame Media