Waayeelka daallan ee Galbeedka & dhallinyarada diihaalsan ee Afrika (Madaxda Afrika oo arrintan ku eedaysan)

0

(Banjul) 05 Dis 2018 – Waxa loogu yeero guurka dalxiisayaasha kmg ah, ama si kale haddii hadalka loo dhigo iska noqonaya “dalxiis danaysi” waa mid sumcaddii ka dilay ragga afrikaanka ah siiba kuwooda ku nool dalalka dhaca Afrikada Galbeed.

Dalka Gaambiya oo ka mid ah dalalka saboolka ee ku yaala cirifka Galbeed ee qaaradda, ayaa waxaa u soo shaqo tagay islaamaha caddaanka ah ee reer galbeedka ee misna da’da ah, kuwaas oo lacago ku indho sarcaadiyey dhalinyarada dalkaasi ee xeebaha ka qaraabta. Haweenkan oo badi doonaya waxa ay ku shegeen nolol “romaantik ah” ayaa halkaasi ka ugaarsada dhalinyaradaasi oo faqrigu dilooday.

Dowladda dalkaasi ayaa biloowday ineey wacyigeliso dhalinyarada si ay uga fogaadaan falalkaasi foosha xun ee ay korkooda ku iibinayaan. Saas oo ay tahayna waxaa ay raggaasi ku andacoodeen ineey baahi u dhimanayaan haddeeysan korkooda gadin.

Dhacdadani ma ahan ragga oo keliya ee waxaa la mid ah gabdhaha oo iyagana sidaasi si la mid ah dabinka ugu dhacay odeyaasha caddaanka ah ee jeebabka doolarka kuwata, kuwaas oo iyagana faqriga uga faaa’iideeysta.

Waxaa Diyaarisay: Ikraam Cali Kaar

Hadalsame Media