Kagame oo noqday shakhsiyadda Afrika ee 2018 (Maxay uga dayan karaan Soomaalidu?)

0

(Kigali) 05 Dis 2018 – Majalada caanka ah ee Forbes, ayaa mdaxweynaha dalka Ruwaanda Paul Kagame, u aqoonsatay madaxweynihi iyo Afrikaankii sanadka 2018-ka. Dabcan waa mudan yahay in loogy yeero hogaamiyaha Afrika, marka la eeggi sida uu dalkiisa uga samatabixiyey musiibadii ku habsataya.

Kagame ayaa dalkiisa kasoo qabtay haadaan dheer oo uu ku hoobtay kaddib dagaal qoowmiyadeed bil ka yar lagu diley wax u dhow hal milyan oo madax, balse wuxuu doortay jidkii uu dalkiisa uga saari lahaa silacaasi ilaa uu gaarsiiyo heer kaba sarreeya dalal badan oo Yurub, si ka duwan jidka ay doorteen madax badan oo Afrikaan oo ay Soomaalina ku jirto.

Bulsho horumartay haddaad aragto, waxaa horseeday waa hogaan wanaagsan iyo caddaaladda. Soomaaliduse haddeeysan helin hogaan daacad ah caddalad & garsoor ummaddana si wanaagsan ugu adeega, sida dalkaasi Ruwaanda ee maanta tusaalaha wanaagsan u ah dal ka soo kabsaday dagaalo sokeeye, waxaa hubaal ah in sanado badan ummaddu fool xummadda ay ku jirto la sii indho xumaaneyso.

Hadalsame Media