Muddo dheer kadib, Maraykanka oo dib u soo nooleysiiyay shaqadii Safaaradiisa ee Soomaaliya

0

(Nairobi) 05 Dis 2018 – Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa ka dhaawajisay in howlihii diblamaasiyadeed ee Safaaradeeda ee Gudaha Soomaaliya si rasmi ah loo soo celiyay kadib in ka badan 20 sanno oo aysan ka howgalin Muqdisho.

“Tani waa dhacdo taariikhi ah oo ka turjumaysa horrumarka Soomaaliya ku tillaabsatay sanadihii ugu dambeeyay, waana tillaabo kale oo hore loo qaaday, taasoo qaabeynaysa amuuraha diblamaasiyadeed ee Maraykanka ee Muqdisho,” ayey tiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibeda Maraykanka Heather Nauert.

Maraykanka ayaa xiray Safaaradiisii Muqdisho sanadkii 1991 kadib burburkii dowladdii Soomaaliya, waxaase uu Maraykanku go’aansaday in xiriirkiisa diblamaasiyadeed ee Soomaaliya uu dib u billaabo sanadkii 2015 markaasi oo laakin shaqada Safaaradda ay ka sii socotay Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa safiirkiisa cusub ee Soomaaliya u magacaabay Donald Yamamoto sanadkaan horaantiisii waxaana meel mariyay Gollaha Saneedka

Dowladda Maraykanka ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Hadalsame Media