Lucas Paquetá oo noqday LAACIBKA sanadka ee Brazil?

0

(Rio de Janeiro) 04 Dis 2018 – Laacibka u gadan AC Milan, ee durba doortay lambarka 39-aad, waa Lucas Paquetá oo ay dad badani ku tilmaamayaan xiddiga xiga ee usoo baxaya Brazil ayaa noqday Laacibkii fasal-ciyaareedkii iminka dhamaaday ugu fiicnaa dalkiisa.

Paquetá ayaa qaatay abaalmarinta ‘Brasileirao Player of the Season’ kaasoo lagu qiimeeyay tirakoobka la xiriira bandhigyadii uu ka sameeyay horyaalka dalka Brazil ee Serie A.

Waxaa qaybtan qiimeeyay shaqaalaha WhoScored, waxaana sidoo kale laacibka u codeeyay warsidayaal kale oo ciyaaraha ka faallooda.


Hadalsame Media