Nin sheegtay inuu ”tifaftiray” hide-sidka insaanka oo wacaalkiisa la la’yahay! + Sawirro

0

(Shenzhen) 04 Dis 2018 – Waxaa la la’yahay wacaalka saynisyahan Chinese oo la yiraahdo He Jiankui, kaasoo maalin dhowayd sheegtay inuu ku guulaystey tijaabadii ugu horreeysey ee lagu ”tifaftirayo” hidde-sidka carruurta dhalanaysa, sida uu yiri.

Ninkan ayaa la la’yahay iyadoo ay dadka qaarkood sheegayaan inay la kacday dowladda Shiinuhu, wararka qaar ayaa sheegaya in xabsi guri aad u adag lagu geliyay hooygiisa Shenzhen kaddib markii uu kasoo muuqday shirkii labaad ee caalami ah oo looga hadlayay wax lagu sheegay tifaf-tirka hidde-sidka aadanaha oo lagu qabtay Hong Kong Arbacadii tagtay.

Yeelkeede, wararka sheegaya in ninka la xirey waxaa beenisey jaamacaddii uu ka tirsanaa ee Southern University of Science and Technology, sida uu qoray South China Morning Post, balse Jaamacaddu waa ka gaabsatay inay ka hadasho wax intaa dhaafsiisan taasoo shaki ballaaran sii abuurtay.

Hadalsame Media