SAWIRRO: Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wadahadlay xiriirka labada dal (Faahfaahin)

0

(Muqdisho) 04 Dis 2018 – Dowladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa ka wadahadlay dardar galinta iyo xoojinta xiriirka taarikhiga ah ee labada dal sida uu sheegay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi.

Wasiiru-dowlaha yaa waxa uu ku qaabilay xafiiskiisa Carlo Campanile oo ah Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya waxaana goobjoog ka ahaa diblomaasiyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa muujiyay sida Somaaliya ugu ganacsan tahay xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, isagoo carabka ku adkeeyay sii xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada wadan.

Dhankiisa, Safiirka Talyaaniga ayaa sheegay in dalkiisu doonayo inuu dib u soo celiyo iskaashiga qotada dheer ee kala dhexeyn jiray Soomaaliya si loo xoojiyo wax wadaagga heer kastaba leh, isagoo tilmaamay in Roma ay joogteyn doonto isku duwidda heerka sare ee Muqdisho si loo ballaariyo iskaashi wax ku ool ah oo ka dhasha mas’uuliyadda qaran oo ka guul keenta rajooyinka muwaadiniinta.