”Abaalmarinta Ballon D’or waa quruntey!” – Ronaldo walaashii oo furka xoortay!

0

(Madeira) 04 Dis 2018 – Walaasha Cristiano Ronaldo ayaa ku doodaysa inay ‘quruntey, abaalmarinta Ballon D’or oo ay kooxo maafiyo ah iyo kuwo maal doon ihi ay walaalkeeda oo haatan Juventus u safta u qoondaseen inuu markale difaacdo Ballon d’Or.

Ronaldo ayaa Isniintii shalay ahayd ku guul darraystay inuu markii 5-aad helo Ballon d’Ors oo uu qaatay saaxiibkii hore Luka Modric, taasoo ka caraysiisey dad ay ka mid tahay Elma Aveiro.

“Nasiib xumo tani waxay muujinaysaa sida uu u fuuntoobey caalamka aynu ku nool nahay, oo u dhexeeya maafiya iyo maal doon,” ayay kusoo qortay Instagram.

“Ha yeeshee, dad badan oo aan ku jiro waxay u jeedaan wax taa aad uga badan, gaar ahaan cadaaladda. Ilaahay ayaa ka wayn qurunkaan.” ayay raacisay.

Katia, ayaa iyadu woxoogaa ka macquulsanayd walaasheed, balse waxay lafteedu sheegtay in marka la eego qaabka lagu bixinayo abaalmarinta xiddiga ugu wanaagsan caalamka ay ka walaacsan yihiiin, iyada iyo intii kubadda wax ka fahamsanba, sida uu noqonayo mustaqbalka kubadda cagtu.

Hadalsame Media