Inta iyadu is garaacday ayay ninkeeda ku eedaysay! (Kiis yaab leh!)

0

(Sydney) 04 Dis 2018 – Haweeney Muslim ah ayaa ku kacday fal ay la anfariireen dadweynaha magaalada Sydney.

haweeneeydan oo lagu magacaabo Asma oo u dhalatay dalka Morocco ayaa xaajigeeda oo lagu magacaabo Faisal Khan ku eedeysay in uu wajiga ka feeray waxaana ka muuqday nabarro.

Boliiska ayaa dacwad ku soo oogay Mr Khan waxaana kaga baxday adduun gaaraya €20,000 si uu isu beri yeelo oo u xaqiijiyo in aanu xitaa u gacan u qaadeen oo ay ka been sheegeyso.

Yeelkeede, iminka ayay Faisal neef wayni ka soo fuqday, kaddib markii la helay muuqaal muujinaya Asma oo wajiga iska garaaceysa gudaha wiish ay dabaq sare u raaceysay.

Asma ma ogeyn in uu wiishku leeyahay kaamiro CCTV ah oo sababo amaan loogu talo galay.

Faisal oo ay cadaatay in aanu danbi gelin ayaa iminka laanta socdaalka ee Australia ka dalbanaya in Asma dib loogu celiyo dalka Morocco oo uu markii hore ka keenay.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media