DAAWO: Haweenay nin ay sheeko wadaag ahaayeen qaab NAADIR ah u dishey! + Sawirro

0

(Eerie, PA) 04 Dis 20181 – Haweenay ku nool gobolka Pennsylvania ayaa dishey wiil ay sheeko wadaag ahaayeen oo jir ahaan aad uga yar iyada taasoo iminka qiratay inay ku dishey qaab la yaab leh.

Windi Thomas, 44 jir, ayaa qirashadaa kaga badbaaday xabsi ka dheer iyo eedaymo kale oo la xiriira khatar gelin, iyadoo dishey Keeno Butler, oo sidoo kale ah 44 jir, xilli ay ku sugnaayeen gurigooda oo ku yaalla Eerie, Pennsylvania, bishii Maarso ee sanadkan sida uu qoray GoErie.com.

Thomas, oo uu culayskeedu yahay 300 oo rodol, ayaa bilowgii saaxiibkeed oo 120 ah ku weerartay middi, iyadoo gacanta ka dhaawacday, kahor intaysan ku jejebin kursi lugtii, kaddibna waxay uga fariisatay xabadka.

Geerida Butler ayaa la sheegay inay sababtay neefta oo ku dhegtey iyo jug kale oo uga dhacday qoorta oo ay wehliso tarrar ka gaarey xangullaha dhabarka iyo jug kale oo madaxa uga dhacday, sida ay maxkamaddu xaqiijisay.

Keeno Butler ayaa ka tegey gabar uu dhalay, Adele Brown, laba carruur oo ah oo uu awoowe u ahaa, hooyadii iyo 9 la dhalatay isaga. Thomas ayaa iyaduna xabsiga Erie County Prison ku jirta iyadoo xukun suge ah.

Hadalsame Media