ISBEDDEL WAYN: Timouè Bakayoko oo mar u muuqdey faloob cusub ayaa ”kusoo baxaya” laacibka ugu fiican safka Milan

0

(Milano) 03 Dis 2018 – Wuxuu ahaa hanad lagu hungoobey tan iyo dhaawacii Lucas Biglia, haddase waa hoggaanka khadka dhexe ee AC Milan oo kaalinta 4-aad taagan tiiyo ay dhaawacan yihiin in ka badan kala bar safka kooxda.

Timouè Bakayoko wuxuu ka mid yahay xiddigaha garbohooda ku xamaalaya kooxda Rossoneri xilli ay xaalad deg deg ah geli lahayd, kulankii shalay ee Parma, laacibkan Franco-Ivorian-ka ah ee khadka dhexe wuxuu ka mid noqday xiddigihii ugu fiicnaa garoonka haddiiba uusan ugu fiicnayn, isagoo isku daraya tayo iyo tiro intaba.

Waxay durba amaantiisu soo yeertey kulankii Lazio oo uu la dhacay Gattuso, kaddib ciyaartii Europa League ee Dudelange, oo uu xilka sidey ilaa dhamaadkii ciyaarta ay gaartay jug uu garoonka uga baxay.

BARBAR-DHIGGA DESAILLY – Bakayoko-ha cusub ayaa shabbaha midkii lagu yaqaanney Monaco, kaasoo magaciisa looga heesey haaf ka mid ah Yurub, isagoo si wanaagsan u qaatay fursaddii uu siiyay dhaawaca Biglia, waxaana durba bilaabatay in lagu mitaalo halyeeygii AC Milan ee Desailly.

“Waan ogayn waxa uu na tari karo markii aannu soo qaadannay, farsamada shaki kuma jirin, balse waxa naga yaabiyay waa sida uu u fahmey tusaalooyinka dhanka taatikada ah. Waxaa la yaabban xitaa howlwadeennada Milan. Waa inuu sidaa ku wadaa.” waxaa ciyaartii shalay kaddib yiri Gattuso.

WADA IIBSIGIISA – Leonardo ayaa xagaagii qaatay talada wakiilka Federico Pastorello oo usoo bandhigay Bakayoko. Milan markii ay laacibka kasoo amaahanaysay Chelsea oo uu ku faloobay ujeedkeedu wuxuu ahaa in haddii uu anfici waayo ay iska celiyaan bisha Juun.

Yeelkeede, sida ku qoran calciomercato.com, hadda dooda qura ee furani waa in ay Chelsea waydiistaan qiime dhimis lagu sameeyo sicirka oo iminka ah 35 milyan oo euro maaddaama ay Milan ku dheggan tahay UEFA, balse xitaa haddii aysan taasi dhicin waxay u egtahay in kooxda Via Aldo Rossi ay markasta qaadanayso Bakayoko oo muujinaya astaamo u eg sida kuwii waagii Monaco.

Hadalsame Media