Qadar oo 57 sano kaddib iskaga baxday urur ay Sucuudiga ku wada jireen!

0

(Dooxa) 03 Dis 2018 – Qadar waa mid ka mid ah dalalka ugu muhiimsan caalamka ee tamarta soo saara, balse waxay ku dhawaaqday inay iskaga baxayso Ururka dalalka Shidaalka soo saara ee OPEC wixii loo gaaro 1-da Jannaayo, sida uu sheegay Wasiirka Tamarta Saad al-Kaabi.

Warkan ayaa imanaya maalmo uun kahor kulanka dhexsan doona dalalka OPEC iyo kuwa aan ku jirin balse jaalka la aha, yeelkeede, Qadar oo ah dalka dunida ugu badan soo saarista gaaska dabiiciga ah ee dareeraha laga dhigay ee LNG, ayaa ku tala jirta inay kulankaa ka qayb gasho, kaasoo 6-da Diseembar ka dhacaya Vienna.

Qatar oo OPEC xubin ka ahayd muddo 57 sanadood ah, ayaa sheegtay in ka bixitaankeedu aanu wax xiriir ah la lahayn go’doominta Sucuudiga – oo ay ururkaa ku wada jiraan – ee yimi bishii Juun sanadkii tegey.

Hadalsame Media