SOMALIA: Gaadiidkii cirka oo midkii dhulka ka rakhiisanaaday! (Daawo)

0

(Muqdisho) 29 Nof 2018 – Waxaa aad u baaba’san hannaanka isku xirka jidadka dalka Somalia kuwaasoo sababsanaya 3 arrimmood oo kala ah:

Kuwo qaab siyaasadeed u kala xiran, kuwo iskoodba u baaba’san iyo kuwo aan amaanka oo xun dartii loo mari karin, sidaa darteed waxaa Somalia ka hana qaaday dayuurado ka shaqeeya isku xirka magaalooyinka dalka.

Mid ka mid ah dayuuradaha dalka ka shaqeeya waa dayuurad la yiraahdo Maandeeq Air taasoo isku xirta meelo ay ka mid yihiin Muqdisho iyo Joowhar iyadoo dadka ku qaadaysa kharash jaban.

Waxaa la yaab leh inay dayuuradahani iminka meelaha qaar kaba rakhiisan yihiin gawaarida dhulka mareeysa oo la kulma dhibaatooyin badan sida dhac, isbaarooyin iwm, taasoo kordhisa khidmadda dadka laga qaado.

Hoos ka daawo warbixin ay arrintaa ka diyaarisay idaacadda Dalsan.

Hadalsame Media