AC MILAN VS DUDELANGE: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Milano) 29 Nof 2018 – Waxaa caawa dheelaya labada kooxood ee AC Milan vs Dudelange iyadoo ay Milan muhim u tahay guul ay caawa gaarto si ay ugu sii sikato dhanka usoo bixitaanka wareegga xiga.

Dhanka Milan: Waxaa safka Gattuso ka maqan Kessie, oo la nasiyay, maadaama uu kulan kasta dheelo jeer ay dhaawacan yihiin laacibiin badan oo Milan ah. Waxaa markii ugu horreeysey inuu kulan rasmi ah kusoo bilowdo la filayaa Halilovic. Weerarku waa Higuain-Cutrone.

Dhanka Dudelange: Kooxdan yar ee reer Luxembourg ayaa doonaysa inay qaadato wax kasta oo ay ciyaartan ka hesho maadaama aysan rajo ka lahayn wax soo bixitaan ah, balse ma dhib yara lafteedu.

Hadalsame Media