ISKA FIIRI SADARRADA: Itoobiya laba unbaannu ka yeeli karnaa, saldhig ciidanna kuma jiro (2 haa, 2 MAYA!)

0

(Hadalsame) 29 Nof 2018 – Waxaa socota nuxnux hoose oo tibaaxaysa in Madaxwaynaha Somalia uu dalka Itoobiya u ogolaaday inay saldhig ciidan oo weliba dhanka badda ah ka samaysato gudaha dalka Somalia.


Martin Plaut oo ah cilmi baare ka tirsan Mac’hadka Culuunta dalalka Barwaaqa-sooranka ayaa Twitter kusoo xarriiqay inay jiraan xogo aan la hubin oo sheegaya in uu Madaxwayne Farmaajo arrintaa ogolaaday mar uu 12-kii bishan Nofeembar kulan 3-geesood ah kaga qayb galay dalka Itoobiya, isagoo weliba saldhigga – oo loo badiyay mid badeed – ku sheegay magaalada Marka ee koonfurta Somalia.

Maxaa dhici kara maxaan se dhici karin?

Marka laga hadlo xiriir dhex mara Itoobiya iyo Somalia in badan oo waxgaradka Soomaaliyeed ka tirsani waxay qabaan in aad loogu fiirsado, gaar ahaanna waqti xaadirkan oo ay Somalia baylah u noqon karto khaladaad badan oo istaraatiji ah haddii ay faraha gashato arrimo hadhoow iyada dib ugusoo holci kara oo marka hore sibiq iyo qosol been ah ku gala.

Haddaba, xiriir dhex mara Itoobiya iyo Somalia aan u qaybinno laba aannu ogolaan karno iyo laba aysan marna ahayn inaan xitaa maankeenna ku maaweelinno iskaba daa inaan aqbalnee.

LABADA AAN OGOLAAN KARNO:

1 – Somalia way qaadan kartaa xiriir wanaagsan oo derisnimo iyo iskaashi dhaqaale ah oo dhexmara iyada iyo Itoobiya, kaasoo aad u miisaaman kuna dhisan dano muuqda oo lakala helayo – may mid hal dhan ay dani ugu jirto.

2 – Somalia sidoo kale way ka macaashaysaa haddii ay dekedeheeda faraha badan oo qaar hadda kaddib qaab istaraatiji ah loo dhisi karo ay wax kala soo degto Itoobiya, iyadoo labada dal la iskula xirayo jidad waasac ah oo ay isu maraan badeecooyinka u kala gooshaya labada dal oo uu midkoodba leeyahay wax uu midka kale baahi wayn u qabo.

LABADA AYNAAN MARNA OGOLAAN KARIN:

1 – Marna ma aha – xitaa milyan sano oo dambe – inaan ka fikirno wax la yiraahdo midnimo dhexmarta Itoobiya iyo Somalia ama dal kale oo gobolka ku yaalla, marka laga reebo Jabuuti, waayo wax dan ah oo Somalia ugu jirta oo aan dhib iyo gobannimadeedii oo ay xawileeyso ahayn kuma jiraan, waa arrin ay tahay inaan aad uga dhiifoonaanno, iyadoo ay wax laga yaqyaqsoodo tahay inay dadka qaarkood uga hadlayaan sidii wax caadi ah, runtii caadi maaha ee waa cawar aynaan abid kasoo kabsan doonin.

Waxaan nahay umad haysata dhul ay si sharaf leh ugu noolaan karto oo leh khayraad kasta oo uu qof ku fikiri karo, kaliya waxaa loo baahan yahay khidaddii iyo qorshihii lagu maali lahaa ama lagu maamuli lahaa iyadoo la iska illaawayo maskaxdan yar ee wax kasta meel fudud oo aan micne lahayn wax looga eegayo.

2 – Somalia waa inaysan marna ogolaannin in ay saldhigyo ciidan siiso dal kale oo Afrikaan ah, kuwa deriska ah oo aannu arrimo istaraatiji ah isku hayno haba joogtee, waayo marka aad dal kale saldhig u ogolaato waxaad xawilaysaa qaar ka mid ah gobannimadaadii, qiyaas booliiska ay ciidamada Maraykanku Jarmanka ku dhakaaryeeyaan iyo gabadhaha Japanese-ka ah ee ay Okinawa ku kufsadaan, weliba waa dalal hadda sheegta inay isbahaysi yihiin, qiyaas dal aanba qarinin inuuba ku qabsan lahaa haddii ay u suuragasho.

Dowladda iminka joogta waloow ay dad badani kalsooni ku qabaan inaysan ogolaanaynin waxyaabo noocan oo kale ah, misna waa inay meel cad ka istaagtaa xitaa haddii lagu yiri kasoo fikira arrimahan iyo wax u dhow.

Tan kale, xitaa haddii uu maanta Itoobiya joogo maamul ka yara furfuran kuwii hore, siyaasadda Itoobiya waxay saaran tahay qaalin buub, waxayna u dhexeeysaa qoowmiyado isu ciil cunsan oo kala harsada istaraatijiyado kala duwan, waayo waa quruumo hal qaran ku dhex nool oo la isku khasbay, sidaa darteed, mar kasta waxaa is bedeli kara wejiga ay ku eegayso Somalia iyo guud ahaan Soomaalida, marka waa inaynaan aayeheenna qamaar ku ciyaarin.

Aayeheenna oo aynu iminkaba dood ku gelinney doodeheenna rakhiista ah ee qaran dumiska u janjeera, balse ku dhib qaba dib u dhiskiisa iyo dhowrista danihiisa.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Boosto-Danabeed: Maxaaji@hotmail.com

Hadalsame Media