Daawashada Horyaalka Talyaaniga oo markale kor u kacday (Tirakoob cusub)

0

(Roma) 28 Nof 2018 – Waxaa sanadihii dambe aad u korayay daawatada soo xaadira garoomada horyaalka Serie A taasoo sanadkanna halkeedii kasii socota, iyadoo celcelis ahaan ay ciyaartiiba daawanaysay 30,000 todobaadkii ugu dambeeyay ee 13-aad.

Fasalkii tegey wuxuu horyaalka Talyaanigu diiwaan geliyay celceliskii ugu sarreeyay tan iyo 2010-kii, waana sii socotay oo todobaadkii ugu dambeeyay waxaa celceliska ciyaartiiba ay gaartey 30,295 oo taageere.

Waxaa arrintaa door wayn ka ciyaaray kulamadii ay guryohooda ku dheeleen Inter, Napoli iyo Juventus, iyo xitaa Derby della Lanterna oo dhexsaday Genoa iyo Sampdoria.

Inter-Frosinone waxaa xaadiray 63,645 oo San Siro Sabtigii yimid, halka  44,408 ay daawadeen Napoli-Chievo iyadoo ay 41,052 ay Torino ku fiirsadeen Juventus-Spal.

Celcelisku marna 30,000 ma gaarin 3-dii fasal-ciyaareed ee tegey, iyadoo celcelisku tiradaa gaarey 7 fasal, guud ahaan 10-kii fasal ee tegey, waxaana inuu heerkan gaaro ugu dambaysay todobaadkii 11-aad ee 2008-09-kii, tiiyoo ay jirto in lugta labaad ay taageerayaashu sii kordhi doonaan.

Inter Milan ayaa ugu sarreeysa celceliska iyadoo ay kulankiiba daawadaan 62,859 waxaana ku xigta AC Milan oo ah 54,393. Roma ayaa 3-aad ku jirta iyadoo leh 40,162 halka Juventus ay 4-aad ku joogto 39,699, waloow uu garoonka Bianconeri uu isaga dhamiba qaado 41,507.

Napoli, Fiorentina iyo Lazio waa 30,000, halka kaliya Empoli ay tahay kooxda qura ee 10,000 ka yar kulankiiba horyaalka dhan.

Hadalsame Media