DAAWO: Boqorka Malaysiya oo guursadey qalanjada quruxda Ruushka + Sawirro

0

(Moscow) 28 Nof 2018 Boqorka 49-jirka ah ee Malaysia ayaa guursadey 25-jirka Miss Moscow, iyadoo sawirradoodu ay qabsadeen Baraha Bulshada, waloow aan arrintan horay saxaafadda loogu bandhigin.

Muhammad V of Kelantan, oo ah boqorka la doorto ee Malaysia, ayaa sida muuqata guursadey qalanjada quruxda Ruushka ah ee Oksana Voevodina. Xafladdan qarsoodiga ah ayaa ku qabsoontay Barvikha, oo ah xaafad ay degaan dadka ladan ee magaalada Moscow.

Waxaana deeto baraha bulshada ku faafay muuqaallada iyo sawirrada xafladdan oo sida la yiri la waafajiyay dhaqamada Muslimka iyo kuwa Ruushanka, iyadoo lagu cunayay cunnooyin xalaal ah isla markaana ay ka mamnuuc ahayd aalkoladu, sida lagu faafiyay webka fadhigiisu Ruushka yahay ee Islam News.

Hadalsame Media