Icardi oo dhamaan ciyaartooyda Inter u qaybiyay abaalmarinno (Jawaabta lagu qoslo ee xaaskiisa!)

0

(Milano) 28 Nof 2018 – Mauro Icardi ayaa dhamaanba xiddigaha kooxdiisa Inter Milan oo ay ku jiraan xitaa kuwa ka tegey sida Rafinha iyo Joao Cancelo, u iibiyay saacadaha qaaliga ah ee Rolex isagoo ka abaal marinaya inay ka caawiyeen gooldhalintii uu sanadkii hore ku guulaystey.

Icardi ayaa arrintan ku baahiyay Instagram, isagoo sanadkii tegey 29 gool ku qaaday abaal marinta Serie A ee Capocannoniere taasoo kooxdiisa Inter ka saaciddey inay kusoo noqoto Champions League.

Yeelkeede, taageerayaasha ayaa fikrad ka dhiibtey waxaana ugu qosol badan faallo yar oo ay soo qortay xaaskiisa Wanda Nara oo sidoo kale wakiil u ah oo Twitter kusoo qortay: “Waxba iigama dhigna, xitaa jijin alwaax ah”.

Hadalsame Media