Wadaad Suufi ah oo caan ahaa iyo xertiisii oo lagu dilay qaraxyo ka dhacay koofurta Gaalkacyo

0

(Gaalkacyo) 26 Nof 2018 – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar culus oo ururka Al-Shabaab saakay kula jarmaaday Koofurta Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaas oo la sheegayo in lagu bartilmaameedsaday xarun uu lahaa wadaad Suufi ah.

Wadaadka Suufiga ah ee la weeraray ayaa lagu sheegay magaciisa Shiikh Cabdiwali Cali Cilmi Yare waxaana warar hor u dhac ah sheegayaan in weerarka uu ku bilowday qarax ismiidaamin ah waxaana xigay dagaal toos ah oo rag ka tirsan ururka Al-Shabaab ku qaadeen xaruntaasi.

Ugu yaraan 12 ruux oo sida la sheegay uu ka mid yahay wadaadka la bartilmaameesaday ayaa halkaasi ku dhintay.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan.

Ma jiro wax war ah oo ka baxay Maamulka Galmudug oo ku saabsan weerarka saaka ka dhacay koofurta Gaalkacyo.

Hadalsame Media