DAAWO: Dunida oo ka doodaysa haweenay Soomaali ah oo lagu cunsuriyeeyay dukaanka Walmart

0

(New York) 25 Nof 2018 – Waxaa baraha bulshada wareegaya muuqaal laga qabtay haweenayd cunsuriyad ah oo Islaam nacayb ku daxalaystey oo erayo aan habboonayn kula hadlaysa haweenay Soomaali lagu qiyaasay.

Haweenayda ayaa sida muuqata haweenayda waydiisatey inay isticmaasho qolka lebbiska, balse haweenayda ayaa qaylo la daba gashay. Halkan akhri jawaabaha oo u batay kuwo lagu dhaliilayo haweenayda shaqaalaha ah.

”Dhig halkaase dharkaaga uskagga ah ku bax!” ayay ugu jawaabeysaa iyadoo aan la garanayn waxa ka caraysiiyay. ”Waxay moodayaan inay na leeyihiin, war qashinkaan waan ku jiradey!” ayay raacinaysaa iyadoo qof kale oo shaqaale ah ka tala diiddan una sheegaysa inay tahay qof wayn oo garanaysa waxa ay samaynayso.

Gabar kale oo dukaanka wax ka iibsanaysay oo Mika Ford la yiraahdo ayaa muuqaalkan duubtay 2015-kii, balse telefoonka oo ka dhumay dartii ayuu muuqaalkani u daahay.

”Qofna ma aha inuu maro silacan iyo liidmadan iyadoo ay ugu wacan tahay aragti caadifadaysan oo uu qof kale qabo.” ayay Ms Ford Facebook kusoo qortay.

Hadalsame Media