DAAWO: Kulankii Superclásico oo la baajiyay kaddib markii ay rabshado hareeyeen + Sawirro

0

(Buenos Aires) 25 Nof 2018 – Kulankii dhamaadka Koobka Libertadores ee dhexsanaya kooxaha River Plate iyo Boca Juniors ayaa la baajiyay, kaddib qaaquullooyinkii Sabtigii ka dhacay kulankan Superclásico iyo rabshadihii sii socdey maanta oo Axad ahayd, taasoo ay ka horreeysey ciyaartooy la dhaawacay.

Taageerayaasha River ayaa dhalooyin sidii gantaal ugu duqeeyay gaari bas ahaa oo sidey laacibiinta Boca oo markaa u jihaysnaa garoonka El Monumental oo ay lugta 2-aad ku lahaayeen, iyadoo ay tii hore 2-2 ku dhamaatay.


Xiriirka Latin Ameerika ee Conmebol ayaa gaarey go’aankan waloo aan si rasmi ah loo ogayn maalinta iyo taariikhda iyo xitaa aragti ahayd in 3-0 lagu abaal mariyo Xeneizes oo laga gardaran yahay.

Yeelkeede, labada kooxood ee reer Argentina ee River Plate iyo Boca Juniors, ayaa kaddib “heshiis akhyaareed” waxay ogolaadeen in ciyaarta dib loo dhigo, waxaana loo badinayaa in Talaadada la dheelo.


Hadalsame Media