Salvini: “Gattuso maxaad beddel u samayn wayday”. Jawaabta Rino: “Ka fikir dhibka dalka haysta!” – Gattuso iyo Raysal Wasaare xigeenka Talyaaniga oo isku ridey!

0

(Roma) 25 Nof 2018Raysal Wasaare xigeenka Talyaaniga ee Matteo Salvini, oo ah taageere wayn oo Milan ah ayaa ka caraysiiyay Rino Gattuso oo tabara Milan oo uu ku dhaliilay sababta uu bedel u samayn waayay ciyaartii ay Lazio daqiiqaddii ugu dambeeysey bareejaysay Milan, taasoo uu daawanayay Salvini.

Salvini oo sidoo kale ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga ayaa la hadlay Calcio 24, wuxuuna sheegay in Gattuso “uu madax adag yahay”, isagoo is waydiiyay waxa uu sugayay ee aanu beddel u samaynin maaddaama uu garoonku xumaa oo roobna ku da’ay?

”Maad bixisid Borini oo ayeeydeey ka culus oo keentid, si aad lugo caabboon usoo gelisid ciyaarta.... Keen Castillejo, keen Laxalt …Ugu yaraan waa niman orod badan”. ayuu ku qayliyay wasiirka oo sidoo kale sheegay in ay aad u daaleen Suso-Cutrone oo aan xitaa weerar rogaal celis ah samayn karin dhamaadkii ciyaarta.

Jeer ay taageerayaal badan oo Milanese ihi ay Wasiirka ku fikir yihiin, waxaa arrintii la hor dhigay Gattuso laftiisa kaasoo ku jawaabey: ”Ka fikir dhibaatooyinka dalka haysta!”.

Hadalsame Media