Ciidamadii Nabad Ilaalinta u joogey Liberia oo dalkaa uga tegey 6,000 oo garac + Sawirro

0

(Monrovia) 25 Nof 2018 – Ciidamadii nabad ilaalinta u joogey dalka Liberia ee QM ayaa la sheegayaa in ay halkaa uga tageen 6,000 oo ah carruur aabe la’aan oo garacyo ah, sida ay sheegtay Wakaaladda AP.

Ciidamadan ayaa u yimid inay nabad ku soo dabbaalaan dalkaa oo dagaallo sokeeye galay 90-meeyadii waxaana carruurtaa badanaa dhalay ciidamo ka yimid Galbeedka Afrika oo dalkaa ka baxay 8 sanadood kaddib.

Carruurtan badankoodu abidkood aabayaashood lama kulmin. “Weli uurka ayaa la igu sidey markii uu waajibkiisa dhamaystay aabahay oo uu dalka ka tegey,” ayuu AP u sheegay 21-jir la yiraahdo Moses Z. Kaine.

Carruurta qaarkood waxaa deeto tuuray hooyooyinkood iyagoo kaddib mutey inay jidadka ku noolaadaan iyagoo ciyaal derbi ah.

Liberia ayaa waxaa halakeeyay 14 sano oo dagaallo sokeeye ah, kaasoo ay ku qur bexeen dad gaaraya 250,000 halka ay ka qexeen 500,000 oo qofood.

Hadalsame Media