Musharixiin ku dhawaaqay in ay ka tanasuleen doorashadii Maamulka Koonfur Gabeed

0

(Baydhabo) 25 Nof 2018 – Shan ka mid ah musharraxiinta u taagnaa doorashada madaxtinnimo ee maamulka Koonfur-galbeed ayaa sheegay in ay u tanaasuleen Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Waxay kala yihiin sidaan:

1- Maxamed Aadan fargeeti, wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya

2- Eng. Saalax Sheekh Cismaan, wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya

3- Xasan Macallin, xildhibaan hore oo federaalka ah.

4- Yuusuf Baadiyow, xildhibaan hore oo federaalka ah

5- Musharrax Xuseen Kushuk

Xubnahaan ayaa dhamaantood waxey baydhabo ka sheegeen in ay u tanaasuleen Musharax Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo ay sheegeen in isagu uu matalayo Siyaasiyiinta isbadal doonka ah, sida ay ku dhawaaqeen galinkii dambe ee Maanta.

Hadalsame Media