SAWIRRO: Wararkii ugu dambeeyay weerarka ka dhacay Gaalkacyo iyo khasaaraha oo kordhay

0

(Muqdisho) 26 Nof 2018 – Ugu yaraan 25 ruux oo uu ka mid yahay wadaad Suufi caan ahaa ayaa lagu dilay weerar qaraxyo ku bilowday oo ka dhacay Koofurta Magaaladda Gaalkacyo saaka oo Isniin ah,

Sida ay sheegeen Booliska iyo dadka deegaanku, weerarkaan ayaa ahaa mid si fiican loo qorsheeyay kaasoo lala eegtay xarun halkaasi uu ku lahaa wadaad lagu magacaabo Shiikh Cabdiwali Cali Cilmi Yare.

25 ruux oo u badan xertii wadaadkaan iyo illaaladiisa iyo xitaa isaga laftiisa ayaa ku nafwaayay qaraxyadan iyo weerarka tooska ah ee xigay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay u soo gurmadeen xarunta la weeraray islamarkaana ay soo afjareen dadaalkii ka socday gudaha xaruntaasi iyagoo dilay sadex ka mid ah raggii weerarka soo qaaday halka mid kalena la sheegay in nolosha lagu qabtay.

Weerarkaan waxaa sheegtay ururka Al-Shabaab.

 

Hadalsame Media